Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in galabta la xiray qaar ka mida wadooyinka Muqdisho oo laga joojiyey isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Ciidamada ammaanka ayaa horjoogsaday gaadiidka dadweynaha Isgoyska Banaadir ilaa madaxtooyada Soomaaliya, taasoo keentay inay xiranto wadadda dheer ee Maka Almukarama iyadoo loo diiday gaadiidka dadweynaha, waxayna ciidamada sababeen ciriiri iyo xaalad jaam ah oo ka dhalatay wadaddaasi oo si weyn loo adeegsado.
Lama oga sababta loo xiray wadadda xilligan oo ah marka uu ugu mashquulka badan yahay oo dadka ay kasoo rawaxaan shaqooyinkooda, waxayse ciidamada qaarkood sheegeen inay jiraan arrimo amni oo keenay tallaabadan.