Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka ay ciidamada amniga caasimadda xireen wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, iyagoo joojiyey isu socodka Gaadiidka.
Ciidamada xiray Wadadda Sodonka, Warshadaha iyo qeybo ka mid ah wadasda Wadnaha iyada oo halkaasi laga celinayo gaadiidka dadweynaha iyo midka gaarka loo leeyahay, waxaana sidoo kale xiran qeybo ka mida wadadda Maka Almukarama.
Waxaa wadooyinka la dhigay ciidamo fara badan oo ah kuw amniga ee caasimadda, waxaana laga celinayaa gaadiidka dadka caadiga ah iyo Mootooyinka, iyadoo kaliya loo ogol yahay gaadiidka madaxda dowladda iyo shaqaalaha dowladda.
Wararka ayaa sheegaya in xaalad amni ay weli taagan tahay iyadoo hay’adaha amniga ay helayaan digniin ku saabsan inay jiraan qorshooyin ay Alshabaab ku doonayaan inay weerarro ka fuliyaan magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo dadka magaalada Muqdisho ay qaati ka taagan yihiin jid xirista ciidamada dowladda xilligan oo bisha ramadaan ay gabagabo tahay, isla markaana dadku u diyaargaroobayaan ciidul fitriga.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhowaan amar ku bixiyey in ciidamada ay furaan wadooyinka xiran ee amarkaas oo u muuqda inuusan hirgelin marka laga reebo in qeyb ahaan la fududeeyay isu socodka, kadibna dib loo soo celiyo xiristii wadooyinka.