Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Qaar ka mida xildhibaanada saxiixay Mooshinka Madaxweynaha oo lix qodob soo saaray

    Qaar ka mida xildhibaanada saxiixay Mooshinka Madaxweynaha oo lix qodob soo saaray

    October 11, 2015Updated:October 11, 20153 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee saxiixay mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal ay soo saareen ku eedeeyay Gudoomiyaha Baalamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) lix qodob, waxayna ku cambaareeyeen hab-dhaqanka guddoomiye Jawaari.

    Mooshin-madaxweyne01

    HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA

    WAR-SAXAAFADEED

    Xildhibaanada Mooshinka Xil-ka-qaadista Madaxweynaha ayaa waxay maanta oo taarikhdu tahay 11.10.2015 soo saareen

    War-Saxaafadeedkan hoos ku xusan oo la xiriirta “Shirkii La Sheegay in Shalay uu Dhexmaray Xildhibaanada Mooshinka Xil-kaqaadista ka keenay Madaxweynaha iyo Madaxweynaha JFS”:

    1. Xildhibaanada Mooshinka Xil-ka-qaadista Madaxweynaha waxay maalintii 06.10.2015 soo saareen War-Saxaafadeed ay ku cadeeyeen mowqifkooda ahaa in aysan wadahadalka ka qaybgalayn, iyagoo ku sababeeyay in Guddoomiyuhu ku tuntay Dastuurka iyo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka ka dib markii uu sheegay in uu Mooshinka soo afjaray isagoo isa siiyey awoowee Garsoorka iyo in uusan dhex-dhexaad ka ahayn arrinka mooshinka. Sidoo kale, waxaan maantana Ummadda Soomaaliyeed ku wargelineynaa in Mooshinkii taaganyahay moowqifkeeniina uu weli sidisii yahay oo aan wax iska bedelay jirin.
    2. Xildhibaanadu waxay laba qoraal u gudbiyeen Guddoomiyaha Barlamaanka maalmiyihii 25.09.2015 iyo 01.10.2015 oo mid waliba ay ugu sheegeen: a. In Guddoomiyuhu awood sharci uusan u lahayn in uu ku dhawaaqo soo afjaridda mooshinka; b. in uu fasiraad ka baxsho waxa uu ulajeeday “soo afjaridda mooshinka”; c. In Xildhibaanadu aanay ka qayb galaynin wadahadalka haddii mofqifka Guddoomiyuhu yahay in mooshinku soo afjarmay; iyo d. In uu Guddoomiyuhu u gudbiyo mooshinka Maxkamadda awooda u leh oo ah dariiqa saxa ah ee mooshinka.
    3. Xildhibaanadu waxay u arkaan in Guddoomiyuhu si ula kac ah u banaystay in uu sharciga iyo anshax-wanaaga Barlamaanka ku tumanayo. Wuxuu Guddoomiyuhu culays iyo cadaadis siyaasadeed saaray 8 Xildhibaan oo qaarkood horay mowqifkooda ugu tilmaameen in ay iskaga baxeen taageeradii ay u hayeen mooshinka. Xildhibaanadaas ayuu damcay shalay in uu yiraahdo waxay matalaan Xildhibaanada Mooshinka Xil-Kaqaadista Madaxweeynaha.
    4.  Xildhibaanadu waxay lumiyeen kalsoonidii ay u hayeen Guddoomiyaha mar haddii uu ku sifoobay “Musuq-maasuq”, waxayna Ummadda Soomaaliyeed u soo bandhigi doonaan heerka uu kaga jiro “BOOBKA HANTIDA QARAN”. Xildhibaanadu waxay u arkaan in Guddoomiyuhu uu mooshinka u isticmaalayo dano guracan oo Musuq-maasuq salka ku haya asigoo ka dhigtay mooshinka “Mashruuc” uu ku “Musuq-maasuqeeyo”.
    5. Xildhibaanadu waxay aaminsanyihiin in talaabadan “Musuq-maasuqa” ah aysan u danaynaynin hab-u-socodka mooshinka iyo in laga gaaro xal sharciga waafaqsan. Waxayna Ummadda Soomiyeed arkaan wax lagu tilmaami karo “QAADE iyo QARIYE” in masuuliyiintoodi Sare ay ku sifoobeen iyo sharciga oo ay iskala weeynaadeen.
    6. Isku dayga iyo marin-habaabinta Guddoomiyaha uu ugu jiro hagardaameeynta mooshinka sharciga ah waan cambaaraynaynaa, waxaanan ka digaynaa cawaaqib xumada ay u leedahay tayada iyo sumcadda Barlamaanka. Waxaanan Ummadda Soomaaliyeed la wadaagaynaa in anshax xumaddani ay ku kali tahay Guddoomiyaha ee aysan jirin cid la wadaagta. Sidoo kale, waxaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba ka codsanaynaa in ay nala cambaareeyaan falkan Musuq-maasuqa ah ee Guddoomiyuhu ku kacayo una tilmaamaan in uusan sidaas ku matali karin Shacabka Soomaaliyeed.
    7. Ugu dambaystii, waxaan jecelnahay in aan xusuusino Guddoomiyaha Barlamaanka in loo doortay Barlamaan ay leeyihiin shacab iyo dal madax bannaan, oo uu u dhaaratay si danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto u gudan doono xilkiisa. Guddoomiyuhu uma dhaaran in uu eex u galo Madaxweyne eedeeysan iyo koox ka tirsan Beesha Caalamka oo ku dawakhsan sidii Soomaaliya ay u sii ahaan lahayd Mashruuc iyo in uusan dalkeenu marnaba soo kabsan. Waxaan u sheegaynaa Shacabka Soomaaliyeed in ay la socdaan ku tumashada Sharciga ee Guddoomiyaha Barlamaanka iyo in ku fashilmay gudashada waajibaadkiisii qaran ee uu ummadda u hayey.

    AKHRI QORAALKA OO RASMI AH

    [pdf-embedder url=”http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2015/10/Warsaxaafadeed.pdf”]

    Wadani.com

    Guddoomiye Jawaari Mooshin madaxweyne Xildhibaano
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSomaliland oo dhalinyaro Soomaaliyeed u gacan gelisay sirdoonka Itoobiya
    Next Article Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi la socda oo tegay Magaalada Baydhaba

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo