Wararka laga helayo xarunta Madaxtooyada magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay socoto qabanqaabo lagu dhaariyo gGudoomiyaha cusub ee dhawaantan loo magacaabay Maxkamada Sare Baashe Yuusuf Axmed.
Dhaarinta gudoomiyaha cusub ayaa imaaneysa iyad oo gudoomiyihii uu xilka ka qaaday madaxwaynaha Ibrahim Iidle Suleymaan uu weli ku adkaysanayao inuu yahay gudoomiyaha sharciga ah ee maxkamada sare ee Soomaaliya, isla markaana waanwaan socotay sidii loo ogoleysiin lahaa xil ka qaadista lagu sameeyay aanay miro dhalin.
Dhinaca kale garsoorayaal ka tirsan maxkamada sare ayaa soo dhaweeyay xil ka qaadista uu madaxweyne Farmaajo ku sameeyay gudoomiye Ibrahim Iidle Suleymaan. Xil ka qaadista gudoomiyihii maxkamada ayaa waxaa ka dhashay muran xooggan.
Siyaasiyiin iyo xildhibaanno ayaa si weyn u dhaliilay qaabka xil ka qaadista guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyagoo ka digay in dalku ku socoto inuu u gacan galo koox.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in goor dhow Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare lagu dhaariyay munaasabad yar oo ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya Waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ra”isuul Wasaare Ku-Xigeenka iyo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare.