War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Qarax Gaari uu goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa laga maqlay qeybo ka mida Caasimadda.
Qaraxa ayaa ka dhacay wadadda Maka Almukarama, gaar ahaan agagaarka Shaqaalaha iyo Xaaji Baasto, waxaana la sheegay in qof shacab ah uu watay gaariga qarxay oo qasaare dhimasho iyo dhaawac ah u geystay dad goobtaasi ku sugnaa.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu qof ku dhintay ilaa 5 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka waxyeellada soo gaartay ka mida dad ka qeyb galayey Baar cusub oo halkaasi caawa laga furi lahaa. Ma cadda in gaariga meesha la dhigay uu qarax ka buuxay iyo inuu ahaa mid qaraxa loog xiray qofkii watay.
Ciidamdada Amniga ayaa xiray wadadda Maka Almukarama iyadoo rasaas ay ka dhacay goobta, waxaana halkaasi gaaray gaadiidka gurmadka degdega ah.