Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Qarax lagu xiray Gaari uu ka dhacay magaalada, kaasoo lala beegsaday taliyah saldhigga Booliska magaalada Gaalkacyo.
Qaraxa ayaa qabsaday Gaari uu watay Taliyihii Saldhiga Booliska Gaalkacyo oo lagu magacaabo Cawil Nuur Rooble, waxaana la sheegay inuu dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa oo gaariga loogu xiray.
Xaaladda Taliyaha ayaa lagula tacaalayaa isbitaalka Gaalkacyo, waxaana Qaraxa Gaariga uu dhacay uu marayey Jidka 30ka ee bartamaha magaalada Gaalkacyo.
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa hore uga dhacay qaraxyo iyo weerarro lagu beegsaday mas’uuliuyiin iyo saraakiil ka tirsan maamullada Galmudug iyo Puntland.
