Gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa ayaa goor dhoweyd ka dhacay degmada H/wadaag, magaalada Muqdisho, iyadoo gaariga uu dab xoog leh qabsaday.
Gaariga Qaraxa lagu xiray ayaa xilligaasi yaallay Guri ku dhow Hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ahaa nooca yaryar, waxaana dareemay in qarax uu ku xiran yahay darawalkii gaarigaasi oo isaga cararay intii aanu qarxin, waxaana gaariga qabsaday Dab keenay inuu gubto, waxyeelana gaarsiiyo gurigii ku dhowaa.
Gaariga ayaa la sheegay inay lahayd haweeney ka mida shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya magaceedana lagu sheegay Jamiilo Shaaciye, waxaana markii danbe ciidamada NISA ay wateen saygeeda sababo aan la sheegin dartood.
Waxaa bas beelay Gaariga gubanaya, iyadoo la damiyey Guriga dabka qabsaday, waxayna ciidamada amniga ay aaggaasi xireen, mana jirin qasaare nafeed oo ka dhashay qaraxa iyo cidda lahayd Gaariga qarxay.
