Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa uu goor dhoweyd ku qarxay isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa la sheegay in loogu xiray Gaari uu la socday Injineer u dhashay dalka Turkiga, kasoo ku dhaawacmay qaraxa, waxaa kaloo dhaawac kasoo gaaray qof shacab ah, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, wuxuuna qaraxu dhaliyey inuu muddo hakado isu socodka gaadiidka Isgoyska KM 4.
Cidamada Amniga ayaa xiray goobta qaraxu ka dhacay, waxaana isbitaal loola cararray Injineerka Turkiga iyo qofka shacabka ah ee qaraxa ku dhaawacmay. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Injineerka Turkiga ahaa uu u geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray qaraxa.
Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee bishan Ramadaan ka dhaca magaalada Muqdisho oo ay ka socdaan howlgallo amniga lagu sugayo.