War naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhoweyd qarax Gaari uu ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa mid ka dhashay Miino lagu xiray Gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen wiil iyo aabihiisa, waxayna wararku sheegayaan in Gaariga oo qaraxay xilli uu mareyay agagaarka isgoyska Taleex ay ku dhaawacmeen wiilka iyo aabihii.
Ciidamada amniga ayaa xiray goobta gaarigu ku qarxay, waxayna halkaasi ka bilaabeen baaris, iyadoo aanay weli ka hadlin hay’adaha amniga magaalada Muqdisho