Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd Qarax Gaari ka dhacay suuqa Bakaaraha.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu qabsaday Gaari Hoyota Hilux Qooqan ah oo taallay agagaarka dhismaha Dahabshiil ee suuqa Bakaaraha, waxaana gaariga lahaa ilaalada Shirkadda Dahabshiil gaar loo leeyahay.
Goobjoogayaal ku sugna goobta ayaa sheegay in qaraxa gaariga kadib goobta lagu kala cararray, waxaan goobta gaaray ciidamada Booliska oo baaritaan ka bilaabay halkaasi.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay ku dhaawacmeen saddex qof Qaraxaasi, iyadoo aanay hayadaha Amniga Muqdisho aanay wax war ah kasoo saarin arrintan.


