Qarax Miino ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday Gaari ay wateen ciidamo ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.
Qaraxan ayaa la dhigay goob qashin qub ah oo yaallay halka loo yaqaan Vero Somalia, isgoyska Nasiib-Buundo, dhinaca degmada Kaaran ee magaalada Muqdisho, wuxuuna haleelay gaari uu lahaa Taliyaha ciidamada ilaalada degaanka Xamar ee Minishiibiyada ee Gobolka Banadir G/sare Maxamed Carabow CaliĀ .
Waxaa lasoo weriyey inay qaraxa ku dhaawacmeen saddex askari oo la socday Gaariga Taliyaha la qarxiyey, waxaana goobta gaaray ciidamada Amniga oo xiray goobta qaraxa ka dhacay. Taliyaha ayaan la socon Gaariga xilliga qaraxu haleelay.
Qaraxyada Miinooyinka ee loo dhigayo mas’uuliyiinta dowladda ayaa si weyn ugu kordhay magaalada Muqdisho, iyadoo ay inta badan sheegato Alshabaab.
