Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in qarax miino oo dad badan ku dhinteen uu ka dhacay degaanka Ideed Tuuri oo 30 km waqooyi ka xigta magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.
Qarax Miino oo dhacay xalay Fiidkii ayaa waxaa ku dhintay oo shacab u badnaa wadaado oo la socday mootada xamuulka qaada oo ka yimid tuulada Banjinaay, kuna sii jeeday miyiga tuulada Aboore oo la sheegay inay Qur`aan akhris ugu socdeen.
Lix qof ayaa ku dhitnay Qaraxa, waxaana ku dhawacmay 2 kale, iyadoo maanta lagu aasay degaankaasi. Maamulka Xudur ayaa xaqiijiyey qaraxa iyo qasaaraha badan ee ka dhashay, iyagoo goobtaasi u gurmaday.
