Qaraxyo loo adeegsaday Miinooyin ayaa gilgilay qeybo ka mida Garoonka magaalada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan, iyadoo lagu burburiyay dhismihii garoonkaasi.
Saddex Qarax ayaa ka dhacay Garoonka Buuloburte Saaka, waxaana ay ahaayeen miinooyin lagu aasay Garoonka gudihiisa, sida u sheegay Gudoomiyaha degmada Buulaburde Feysal Haajir Aadan, waxaana burbur soo gaaray dhismaha garoonka oo markii horeba saqafkiisu ahaa Jiingad.
Wararka ayaa sheegaya in xilliga ay dhaceen qaraxyada aysan cidna ku sugneyn Garoonka, iyadoo aan wax qasaare ah oo nafeed ka dhicin halkaasi.
Garoonka Buuloburte ayaa waxaa degan ciidamada AMISOM ee ka socda dalka jabuuti iyo kuwa dowladda Soomaaliya, iyadoo Alshabaab ay sheegtay inay ka dambeysay qaraxyadaasi.
