Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyo ka dhashay miinooyin ay ka dhaceen magaalada Muqdisho.
Qaraxyada oo ahaa labo ayaa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso waxayna ka dhaceen Xaafadda Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in qaraxyada ay waqti kooban ay kala horeeyeen, iyadoo lala beegsadya Gaadiid ay wateen ciidamada dowlada oo halkaasi marayey.
Qaraxa koowaad ayaa lala eegtay Gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana dhaawac kasoo gaaray 3 Askari. Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay wadadda Jeneraal Daauud, kaasoo la sheegay inuusan geysan qaasaare.
Qaraxyada maanta ka dhacay wadadda Isku xira Jeneraal Daa’uud iyo Xaafadda Daarusalaam oo kala qeybisa Degmooyinka Dayniile iyo Yaaqshiid ayaa qeyb ka ah qaraxyo nooca miinada dhulka ah oo muddooyinkan ka dhacayey Muqdisho.