Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa lagu qabtay Qaraxyo loo diyaariyay in magaaladaasi ka dhacaan kadib howlgallo ciidamada Boolisku qaadeen.Sida uu sheegay taliyaha Ciidamada Madaxtooyadda Puntland Cabdirashiid Cabdiraxiin Ismaaciil qaraxyadan ayaa lagu diyaariyay fuustooyin, waxaana la sheegay in ilaa saddex goobood oo ka tirsan magaalada Boosaaso loogu taloglay in lagu qarxiyo.
“Waxaa lagu soo diyaariyay Fuustooyin saddex qaybood ah oo loogu talo galay in saddex gaari la saaro oo sadex meelood lagu qarxiyo waxay ciidanku gacanta ku dhigeen gaarigii siday iyo 5nin oo waday” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada.
Waxaa magaalada Boosaaso lagu soo bandhigay waxyaabaha qarxa ee la diyaariyay iyadoo uu yahay howlgalkii ugu muhiimsanaa ee looga hortago qaraxyo la diyaariyay.
SAWIRRO