Waxaa caawa qaraxyo dhowr ah laga maqlay caasimadda Muqdisho, iyadoo ay Miino ku qarxday Gaari marayey agagaarka Isgoyska Taleex ee degmada Hodon.
Gaariga qaraxa lala beegsaday ayaa ahaa nooca NISSAN SURF, waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen laba qof, iyadoo uu waxyeelo soo gaaray gaariga. Lama shaacin cidda Gaariga la qarxiyey lagu beegsaday.
Dhinaca kale Saraakiisha Amniga ayaa sheegay in Qaraxyada caawa laga maqlay caasimadda ay ahaayeen Miinooyin ay qabteen cidamada, kuwaasoo la qarxiyey, lagana hortegay.
Jugta dhowr qarax ayaa laga maqlay magaalada, waxaana intooda badan la sheegay inay ahaayeen Miinooyin ay qarxinayeen ciidamada Amniga.
