In ka badan 10 ruux ayaa ku dhintay ilaa 30 ruux dhaawacyo ayaa ka soo gaaray 2 qarax oo ismiidaamin ahaa kana dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Brussels ee xarunta dalka Biljimka, maalmo uun ka dib markii la qabtay ninkii ka danbeeyay weerarkii Paris.
Qaraxyadaa ayaa ka dhacay qeybta dadka dhoofaya, waxaana xilliga dhacayeen soday howl lagu hubinayay dadka socotada ah dokumentiyadooda shirkadda American Airline ee laga leeyahay dalka Mareykanka.
Dadkii ka badbaaday qaraxyada ayaa sheegay inay maqleen dhawaaqyo luqada Carabiga ah iyagoo rasaas riday kadibna qaraxyadu dhaceen.
Xaalada ayaa isu bedeshay kala carar iyo qas markii qaraxyadu dhaceen waxaana magaalada Brusells ay gashay xaalad adag oo ammaan ah.
Qarax kale aya la sheegay inuu ka dhacay bartamaha magaalada Brusells goobta tareenada laga raaco, waxaana xaalad degdeg ah lagu soo rogay dalka Belguim, iyadoo dalalka kale ee Reer Yurub ay qaateen tallaabooyin dhinaca amaanka ah.
WAR CUSUB
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in tirada dhimashada qaraxyada magaalada Brussels ay sare u dhaaftay 21 ruux.
WAR KALE CUSUB
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in tirada dhimashada qaraxyada magaalada Brussels ay sare u dhaaftay 23 ruux. Qaraxyada ayaa ka dhacay Garoonka Brusells iyo boosteejo dhulka hoostiisa marta oo laga raaco baabuurta. Dowladda dalkaasi ayaa sheegtay inay dadka dhintay tiradooda tahay 13 ruux.
WAR CUSUB
War cusub oo hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax kale laga maqlay goor dhoweyd magaalada Brussels, iyadoo faahfaahinta qaraxan cusub ay hadda soo baxeyso. Ra’iisal wasaaraha dalka Belguim ayaa sheegay in maalin madow ay u tahay dalkiisa, ayna dhaceen wixii ay ka baqayeen inay dhacaan. Wuxuuna intaas ku daray inay ila iyo hadda heynin wax akhbaar ah oo isku xiriirinaya xariga Salah C/salaam iyo qaraxyada dhacay.
Qasaaraha qaraxyada ka dhacay magaalada Brussels ayaa sheegaya in dhimashada ay gaartay 26 ruux, dhaawacuna dhan yahay 136 qof. Dalkaasi oo dhan ayaa lagu soo rogay xaalad degdeg ah, iyadoo dadka lagula taliyay inaysan ku sugnaadeen meelaha ay joogaan ilaa amar danbe.
DEGDEG
Warbaahinta dalka Belgium ayaa goor dhoweyd sheegtay in dadka ku dhintay qaraxyadii Brussels ay gaartay 34 dhimasho ah. qarixii Garoonka ayaa la sheegay inay ku dhinteen 14, halka 20 kale ay ku dhinteen weerarkii ka dhacay busteejada tareenada ee dhulka hoostiisa marta.
Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada Belgium ay hadda wadaan howlgal dadka looga saarayo Jaamacadda Brussel cabsi ku saabsan in qaraxyo ay ka dhacaan halkaasi ama ka hortag xaalad dhici karta.
At least 21 killed in three bombings in #Brussels , Belgian media reports.
Live updates: https://t.co/S2ESTOLI7Chttps://t.co/Gjb99tGwJ7— Al Jazeera English (@AJEnglish) March 22, 2016
DAAWO SAWIRRO