Qareenka khaaska ah ee madaxweyne Donald Trump ayaa 500,000 oo doolar ka helay shirkad la sheegay in ay ku xiran tahay shirkadda Ruushka laga leeyahay ee oligarch, sida ay ku warramayso warbaahinta Maraykanka.
Shirkaddo doonayay in ay maamulka hawlo ka dhamaystaan ayaa doorashadii 2016kii ka dib lacago u shubay shirkad uu aasaasay qareen Michael Cohen, sida lagu sheegay warbixinta oo soo xiganaysa diiwaanno maaliyadeed.
Cohen ayaa sidoo kale lacag siiyay gabadh ku caanbaxday jiliddda aflaanta galmada ah oo sheegtay in ay la seexatay Trump.
Qareenka fannaanada ayaa markii u horraysay Twitter-ka ku shaaciyay lacagta Talaadadii.
Shirkadda Cohen ee Essential Consultants LLC, ayaa sannadkii hore nus milyan doolar ka heshay Columbus Nova oo ah shirkad maalgashi oo fadhigeedu yahay magaalada New York taas oo xiriir maaliyadeed la leh shirkadda uu maamulo oligarch ee uu maamulo Viktor Vekselberg oo Ruush ah, sida uu ku warramay wargeyska New York Times.
Qareenka shirkadda Columbus Nova ayaa Talaadadii sheegay in lacagtani ay ahayd mid latalin loo bixiyay isla markaasna aysan shuqul ku lahayn Viktor Vekselberg.
Michael Avenatti oo ah qareenka gabadha aflaanta galmada ah jisha ayaa markii u horraysay Twitterka ku shaaciyay lacagtan.