Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, June 9
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Qareenkii Donald Trump oo denbiyo lagu helay lugaha u geliyay Madaxweyne Trump [Warbixin]

    Qareenkii Donald Trump oo denbiyo lagu helay lugaha u geliyay Madaxweyne Trump [Warbixin]

    August 22, 2018Updated:August 22, 20182 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qareenkii hore ee madaxweyne Trump ee lagu magacaabo Michael Cohen  ayaa maxkamad ku taalla Manhattan ka qirtay dambi dhowr ah iyo uu meel sharciga u yaalla dhaqaalaha loo adeegsado ololaha doorashada dalkaasi.

    Qarenka ayaa u sheegay Maxkamadda New York inuu denbiyadaasi galay isagoo uu kula taliyey ayna isla wadeen howsha “murashaxa” oo uu la ujeedo Donald Trump oo hadda ah madaxweynaha Mareykanka, si ay saameyn ugu yeelato doorashada madaxweynaha oo ah tii uu ku soo baxay Trump.

    Debiyada uu qirtay Cohen waxaa ka mida lacagta ceeb qarin ahay oo la siiyay laba hablood oo Donald Trump ku eedeeyay in uu xiriir gogol la yeeshay, si ay u aamusaan oo aanay u fadeexeyn Donald Trump.

    Qareenkan oo 51 jir ah ayaa qirtay 8 dacwadood oo ay ka mid yihiin canshuur lunsasho iyo dambiyo xisaabo bangi la xiriira, arrintaas ayaana dhacday isaga oo wadashaqayn la samaynaya dacwad oogeyaasha, si isagana il naxariis leh loogu fiiriyo.

    Dacwadaha loo heysto Micheal Cohen ayaa la sheegay inay ciqaabtoodu noqon karto qiyaastii 65 sano oo xabsi ah. Laakiin heshiiska uu galay ee ah in uu gacansiiyo baaritaanka la wado ayaa horseedi kara in lagu xukumo ilaa shan sano oo xabsi ah, sida uu sheegay xaakim William Pauley

    Dacwadaha uu Cohen qirtay inuu galay waxay kala yihiin:

    1- Shan dacwadood oo canshuur la baxsasho ah.

    2- Hal dacwo oo ah inuu been u sheegay hay’ad maaliyadeed.

    3- Hal dacwo oo ah in inuu si kas ah ugu sabay shirkad in ay lacag sharci darro ah bixiso.

    4- Iyo hal dacwo oo ah inuu tabarucaad dheeri ah bixiyay ka dib codsi uga yimid musharrax ama olole doorasho.

    Bisha Diseembar 12 ayaa la qorsheeyay in la rido xukunkiisa. Haddana waxaa lagu sii daayay damaanad kadib markii uu bixisay 500,000 oo doolar ah.

    Arrintan ayaa lugaha la gashay madaxweynaha talada haya ee Donald Trump oo ay isku kiis noqdeen Qareenkiisii shaqsiga ahaa, waxayna arrintan xaalad cusub u yeeshay baaritaanka ku socda doorkii uu Ruushku ku lahaa doorashadii Mareykanka ee 2016, taasoo uu si lama filaan ah ugu guuleystay Trump.

    Qareenkii Madaxweyne Trump oo isu dhiibay FBI-da [Dembiyo uu qiranayo & Maxkamad lasoo taagayo]

    Michael Cohen Russia Trump US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab oo Dabaaldeg yaab leh Ciidul Adxaa ku soo bandhigtay Magaalada Jilib [Daawo Sawirro]
    Next Article Mareykanka oo shaaciyey duqeyn maalintii Ciida lagu qaaday Alshabaab & Saraakiil lagu dilay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo