Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Qarixii ka dhacay Degmada Kaxda iyo Casharrada ay tahay in laga barto (Akhriso Qormo muhiim ah)

    Qarixii ka dhacay Degmada Kaxda iyo Casharrada ay tahay in laga barto (Akhriso Qormo muhiim ah)

    October 29, 2020Updated:October 29, 20204 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email


    Habeen hore, gaari qaraxyo ka buuxaan ayaa ku baryay waaxda 5-aad ee degmada Kaxda, waxaa la ii sheegay iney la socdeen 5 qof oo hubeysan kuwaasoo watay dharka ciidanka dowladda.

    Waxey joojiyeen dhismo jiingad ah oo halkaasi ka socday, waxaa loo sheegay in dhismahan ay ka warqabaan maamulka, si gaar ah gudoomiyaha waaxda 5-aad.

    Raggii hubeysnaa ayaa amray iney u yeeraan guddoomiyaha u amray in dhismaha la fuliyo, dadkii guriga dhisanayay ayaa durba u yeeray gudoomiyaha, daqiiqado yar gudaheedna waaba uu u yimid.

    Guddoomiye waaxeedka oo lagu magacaabo Ibraahim Coloow oo wata gaari Surf ah ayaa durba goobta yimid, waxaa la socotay Faaduma Mattaan oo ololaha talaalka caafimaadka waday.
    Raggii hubeysnaa iyo gudoomiyaha Waaxda ayaa is helay, gudoomiyaha waxa uu ku yiri ” Maxaad dhismaha u joojineysaan maadaama aan amray anigan gudoomiyaha waaxda ka ah?” Wuxuu islahaa waa askar dowladeed. Waxey u sheegeen inuu soo dagto oo ay dhulka ku wada hadlaan.

    Sidaasuu u soo dagayna, iyagoo magaciisa sheegaya oo leh waxaa tahay qofkii aynu dooneynay ayey rasaas la dhaceen, halkaas ayuuna ku dhintay wll Ibraahim Coloow. Faaduma Mataan oo la socotay gudoomiyaha la dilay ayaa iyadoo argagaxsan goobta ka carartay, iyadoo qeybaha danbe ee jirkeeda rasaasta ay kala dhaceen, taasoo keentay iney iyana walaasheen goobta ku naf baxday.

    Raggii hubeysnaa waxey hore u sii qaateen gaarigii gudoomiyaha ay dileen oo ay ku baxsadeen, iyagoo isaga tagay gaarigii qaraxyada ay ka buuxeen. Dadkii xaafada oo durba helay xogta labada qof ee la dilay ayaa degdeg u gaaray goobta, qiyaastii waxaa loo soconayaa mudo saacad ah, waxeyna shacabka birmaday ay wateen ku dhawaaad 7 gaari, lama socon marka hore wax askar ah, walow meeshaas khatarteeda laga warqabay.

    Marka ay meesha tageen waxaa uga daba tagay Gudoomiyaha degmada oo ay la socdaan Taliyayaasha Nabad Sugida iyo Booliska degmada, iyo howlwadeeno badan oo maamulka kamida.

    Dadkii goobta buux dhaafiyay waxaa si kore iyo hoosaba loogu sheegay ineysan u dhawaan gaariga oo qaraxyo looga shakisanyahay, balse dadka weyba ka maahsanaayeen fariimahaa digniinta ahaa.

    In ka badan 40 daqiiiqo ayaa la iska dul taagnaa gaariga qaraxyada ay ka buuxeen, maamulka, Saraakiil iyo Shacabba cid aagiisa ka maqneyd ma aaney jirin. Waxaa la ii sheegay in laba kamida dhalinyaradii goobta tagtay uu mid kamida gaariga hoostiisa galay, halka kan kalena uu gargaraacay turuska hore ee gaariga, labadooduba wey ka badbaadeen xasuuqa dhacay.

    Qof kamida asxaabta ayaa u tagay dhalinyaradii gaariga ka agdhaweyd oo qaarna soo jiiday kuwana ugu qeyliyay in gaariga qaraxyo ka buuxaan ee laga soo cararro, balse wali dadka wey dhooban yihiin halkii gaariga.

    Waxaa la isku raacay in meydadka labada qof ee hore ee la dilay la saaro gaari Ambalaas ahaa oo loo qaaday dhanka C.I.D. afar dhalinyarro ah ayaa la raaciyay, sidaaduu gaarigaa u baxay ayaa mar kaliya la maqlay qarax aad u xooggan oo mar kaliya bedelay jawigii goobta.

    Meeshii camirneyd waxa ay isu bedeshay lama degaan, dadkii waxaa kala qariyay qiiq iyo Uuro, waxaa la maqlayay oo kaliya dhalinyaradii qaar oo leh war i qaada dhaawac baan ahayee.
    Dadkii qaraxa ka badbaaday ayaa wada argagaxay, mid kasta oo gaari watay ayaa marba gaariga dhinac ula cararra, haddana wuxuu ku soo laaban isla goobtii uu ka tagay, gawaaridii waxey noqdeen kuwo muraayadihii ah ka wada daataan.

    Gaarigii Ambalaaska ayaa labadii meyd ee hore laga dajiyay oo lagu daad gureeyay dhaawacyadii qaraxa ee naftu ku jirtay. Waxaa meesha ku geeriyooday gudoomiyihii waaxda LiiqLiiqato ee degmada Kaxda Nuur Geedoow, xiliga qaraxa uu qabsanayay waxa uu ku hadlayay telefoon Gaarigana waxa uu kamid ahaa dadkii ugu dhawaa.

    Waxaa meesha dhaawac ahaan looga soo qaaday dad 10 ruux ah oo wada Ilma Adeera ah, taasoo keentay iney nagu adkaato cida aan Isbitaalka ku heyneyno, maadaama ehel la wada yahay.

    Ma Koot Libaax baan heynaa, mise Xuseen Daahir oo ka daran, mayee Armuu labadoodaba Bashiir Garab ka sii daran yahay, Axmed Bashiir horta hala aado isagaa dhiig u baahanee, Maxamed Cabdi Cali hadda ma hadli karaa, Cabdi Khadar iyo Yaasiin Yuusuf horta qeybta ICU-da malaga soo saaray.

    W/Q: Abdulshakur Mohamed

    Alshabab Kaxda Qarixii Kaxda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxtooyada Soomaaliya oo War kasoo saartay Xadgudubka lagu hayo Diinta Islaamka & Nebiga NNKH
    Next Article Sheekh C/rashiid Sh. Cali Suufi oo Imaam ka noqday Saaka Masjidka caanka ah ee Hagia Sophia

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo