Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Qatar Charity oo dhiirigelin u sameysay Arday ay siisay Deeq Waxbarasho Jaamacadeed (Sawirro)

    Qatar Charity oo dhiirigelin u sameysay Arday ay siisay Deeq Waxbarasho Jaamacadeed (Sawirro)

    February 24, 2022Updated:February 24, 20224 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Haya’dda Qatar Charity oo ah Haya’dda ka shaqaysa dhanka samafalka iyo hormarinta ayaa maanta Magaalada Muqdisho ugu qabtay in k abadan 186 arday, Munaasabad lagu dhiirigalinayo kadib markii ay soo gagabeeyeen heerka koowaad ee waxbarashada Jaamacadda Muqdisho.

    Munaasabdan oo ay goobjoog ka ahaayeen Safiirada Dowladaha Qatar iyo Turkiga u fadhiya Soomaaliya, wasiiro, xildhibaano, Guddoomiyaha Haya’dda Qatar Charity ee Somaliya, Guddoomiyaha Jaamacada Muqdisho, Xubno ka socda Bankiyada iyo Haya’daha gargaarka ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho.

    Munasabadan ayaa ku saabsanayd sidii loo dheerigelin lahaa ardaydan oo ka qalin bedeshay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Muqdisho ayaa waxaa hadlo kala duwan ka jeediyay marti sharftii ka soo qayb gashay.

    Gudoomiyaha Haya’dda Qatar Charity ee Soomaliya Abdinur Haji Ali Mursal ayaa ka warbixiyay howlaha ay Haya’dda Qatar Charity ka qabto Soomaaliya iska oo xisay in ay ka shaqeeyaan dhamaan gobolada Soomaaliya, iyagoo ka fuliya mashaariic isugu jirta Caafimaad, Gargaar, waxbarasho, Shaqo abuur, qodisata Ceelal ay dadka iyo duunyaduba ka cabaan, Xanaanayta Caruurta Agoonta ah iyo Qoysaska tabaalysan, iyo dadka baahiya gaarka qaba, isagoo tilmaamy in 23,000 oo u dhiganta in deeqda dadkaas la siiyo ay ka faa’iidaystaan dad kor u dhaafay 138,000 oo qof .

    Dhanka kale wax uu tilmaamay in Deeq waxbarasheedka ardayda Soomaliyeed ay ka soo bilaabtay Heshiis ay Qatar Charity iyo Jaamacada Muqdisho wada galeen sanadii 1999, taas oo ku bilowday 50 Arday, Heshiiskaas mirihii laga dhaxlay ayay ka mid yihiin ardaydan aan maanta Farxada la wadagayno, oo 20 arday ee Jaamcada ugu sareeysay ay 14 ka mid yihiin ardayda ay Qatar Charity siisay deeqada waxabarsho, taasna wayn na dhiiri galinaysaa, waxaana uga mahad celinyaa Walaalaha Deeq bixiyaasha ree Qatar mirahaas ay nala abuureen.

    Dhankiisa Wasiirka Wasaarada Gaadiidaka Iyo Duulista Hawada Dowlada Federalka Soomaliya Duraan Faarax, oo ah Gudoomiyihii hore Haya’dda Qatar Charity, ayaa ka waramay Xaladihii ay ku soo bilaabtay Qatar Charity iskaow tilmaamya in xili ay adagayd in qof ku soo dhiirado ka shaqaynta Soomaaliya oo uu dagaal sokeeya ka socday, ay u soo bareereen ugarab istaag dadka soomaaliyeed.

    Wasiirka ayaa sheegay in asagow ammni iyo shaqo fiicanba haysta kuna nool wadanka ingiriiska uu u soo baqoolay soomaaliya uuna hogaan u noqday gaargaarkii ay waday Qatar Charity, oo maanta dhalay natiijada aad wada arkateen, oo ah in 186 Araday ay guusha waxabarashadooda u dabaaldagaan, iska oo kula dardaarmay Haya’daha, iyo Wasaaradaha in ay ka qay qaataan shaqa abuurka Ardaydan iyo dhamaan Ardayda Soomaaliyeed.

    Mudane Nawaaf Cabdulaahi Al-Xaamidii oo ah Madaxa howlgalada Qatar Charity ee dibada oo qaab fogaan arag ah kaga qayb galay munaasabada ayaa isna Dhiiragaliyay Ardayda isagoo sheegay in ay ka shaqaynyaan sidii ardaydan Fursado shaqo loogu abuuri lahaa, iyaga oo xiriir la sameeyay Shirkadaha ay shaqa wadaag yihii iyo Muxsiniintii horay u kafaalo qaaday Ardaydan, sidoo kalan ay ka shaqaynyaa sidii fursado shaqo looga heli lahaa gudaha Dalka Qatar.

    Dhankeeda Maryama Diini oo ku hadlaysay Magaca aradayda ka faa’idaysatay Deeqda waxbarasho ayaa tilmaantay in aad iyo aad ugu faraxsanahay in ay ka mid noqoto ardaydii ay Haya’dda Qatar Charity siisay deeq waxbarasho oo dhamystiran ka dib markii aan hogaan u noqnay aradaydii asaageen ahaan si gaar ah dhanka dhibca imtixaanaadak oo ka mid ah halbeegyada uu ardayga dhigta Jaamcada Muqdisho ku heli karo Deeq waxbarasho.

    ‘Runtii ma ahan wax sahalan inaad hesho jiho ama cid kuu noqta garab iyo gaashaan, oo ku siisa deeq waxbarasho, si aad guulo uga gaartid ama aad u xaqiijisid qorshayashaada dhow iyo kuwa fog ee aad nolashaada u xariiqtay.” ayey tiri Maryan.

    Haya’dda Qatar Charity ayaa tan iyo markii si rasmi ah looga furay Somaliya bilowgii 2008 dii, ka fuliya mashaariic kala duwan oo iskugu jira dhinacayda Caafimaadka, waxabarshada, gaargaarka, biyaha, daryeelka agoonta, iyo shaqa abuurka Dhamaan Gobolada Soomaaliyeed.

    Muqdisho Qatar Charity Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSaameynta uu Dunida ku yeeshay Weerarka Ruushku ku qaaday Dalka Ukraine (Akhriso)
    Next Article Xubin ka mida Guddiga Doorashada Banaadiriga oo is-casilay, eedeyn culusna u jeediyey Rooble

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo