Qofkii u horeeyay ayaa la xaqiijiyay inuu magaalada Muqdisho ugu geeriyooday cudurka Coronavirus.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in uu cudurka COVID-19 u dhintay Mid ka mida Bukaanadii hore loo xaqiijiyay inuu hayo Coronovirus. Bukaankan ayaa ahaa 58 sano Jir aan Dalka ka bixin, Waxaana intii aan la xaqiijin lagu dawaynayay Isbitaalka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Xalay ayey ahayd markii ay wasaaradda Caafimaadka shaacisay in cudurka lag helay qofkan iyadoo isla maanta u geeriyoday, waxaana lagu hayey Isbitaalak Aadan Cadde iyadoo dad badan ay la macaamileen, lamana oga in dadkaasi oo ay ku jiran qoyskiisa la karaabtiilay iyo in kale.
Qofkan ayaa maanta ku geeriyoodey Isbitaalka Martiini oo shalay uun la geeyay markii laga soo qaaday isbitaalka Aadan Cadde oo uu muddo ku jiray.