Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xaqiijiyey inuu waanwaan ka dhex wado Madaxda dowladda Federaalka iyo Musharixiinta Mucaaradka ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu kulan casho sharaf ah ku casuumay musharixiinta kasoo jeeda Gamudug , isla markaana uu wado lagu abuurayo wadahadal dhex mara madaxda dowladda Federaalka iyo Musahrixiinta si loo xaliyo tabashada laga qab Guddiga Doorashad.
“Madaxweynaha(Qoorqoor) ayaa waday maalmahan abuurida jawi wadahadal oo u dhaxeeya Madaxda DFS & Musharixiinta xilka madaxtinimo si loo xalliyo tabashada mushariixiinta ee ku aadan Gudiga Doorashada Dalka…” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska Madaxweynaha Galmdug.
Casho sharafta waxaa ka qeyb galay xubnaha kala ah: Ra’isul Wasaarihii hore XFS Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed,C/raxmaan C/shakuur Warsame, iyo Mustaf Shiiq Cali Dhuxuloow.
Xalay ayey ahayd markii kulan muddo saacado ah qaatay uu xarunta madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh ku dhex maray musharixiinta iyo Madaxweyne Qoorqoor oo ay ka dalbadeen inuu ka noqdo magacaabidda Guddiga Doorashada ee Galmudug.



