Ilhan Omar oo ka tirsan Aqalka Koongareeska Mareykanka, gaar ahaan Guddiga Arrimaha Dibadda ayaa qoraal kooban ka baahisay kulankii wafdiga madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii la yeeshay xubno ka mida Guddiga ay ka tirsan tahay.
Muuqaalka Wakiilada Koongareeska Mareykanka ee la kulmay Wafdiga Somaliland ayey soo bandhigtay Ilhaan, iyagoo si yaab iyo taxadar leh u eegaya wafdiga Muuse Biixi oo ay kulan la lahaayeen, waxayna xaaladda kulanka ku sifeysay:
“Wajiga aad samayso marka asxaabtaada ay soo saari kari waayaan lahjadda wafdiga ajnabiga ah, ayna u dhaqmaan sidii iyaga oo maqalkoodu adag yahay, wax kastana aad isku daydo si aysan wax kuu dhaafin”.
Faallooyin badan oo qaar lagu eedeeyay, qaarka taageeraya oo qoraalkeeda laga bixiyey, kadib ayey Ilhaan farriin kale ku caddeysay in waxa ay fahmi waayeen ay ahayd ujeedkooda, balse ingiriiska ay ku hadlayeen uu fiicnaa. “Ingiriiskooda dhabtii wuxuu ahaa mid wanaagsan” ayeyna mar kale tiri.
Qoraalka Ilhaan ayaa ka careysiiyay madaxda iyo taageerayaasha Somaliland oo u qaatay inay weerar ku ahayd wafdiga madaxweynaha Somaliland, waxayna arrintan noqotay mid si weyn looga doodo baraha bulshada.

