Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Monday, July 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Qorshaha Amiirka dhaxal-sugaha Sacuudiga: Magaalo casri ah oo lagu dhisayo $500 Bilyan

    Qorshaha Amiirka dhaxal-sugaha Sacuudiga: Magaalo casri ah oo lagu dhisayo $500 Bilyan

    October 27, 20172 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dalka Sacuudi Carabiya ayaa shaaciyay qorshe uu dalkaasi ku dhisayo magaalo iyo aag ganacsi oo cusub, mashruucaasi oo lagu taageeri doono maalgashi gaaraya 500 oo bilyan oo doolar.

    Dhaxal sugaha boqortooyada dalkaasi Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegaya in magaaladaasi oo laga dhisi doono woqooyi galbeed dalkaasi ay xudduud la yeelan doonto waddamada Masar iyo Urdun.

    Wax soo saarka magaaladan ayaa diiradda lagu saari doono farsamada cunnada, tamarta iyo biyaha. Dhaxal sugaha ayaa in dhawaaleba waday qorshe uu ku doonayo in Sucuudiga uu uga kaaftoomo ku tiirsanaanta dakhliga ka soo gala saliidda uu dibadda u dhoofiyo.

    Bishii Agost ee sanadkan ayaa boqortooyada Sucuudigu waxa ay billowday mashaariic ballaaran oo lagu horumarinayo dalxiiska dalkaasi, waxaana ilaa 50 jasiiradood iyo goobo kale oo ku yaalla badda Cas ay ka dhistay goobo loo dalxiis tago.

    Sucuudigu waxa uu sheegay in mashruucani ay dowladda iyo shirkado caalami ahi ay maalgashan doonaan sanadda soo socda. Magaaladani ayaa lagu wada in ay noqoto mid isku xirta qaaradaha Aasiya, Afrika iyo Yurub.

    Sacuudiga ayaa doonaya in ay ka miro dhaliyaan qorshooda hiigsiga 2030-ka, waxaana ujeeddadiisu tahay sidii loo casriyeyn lahaa isla markaana loo ballaarin lahaa dhaqaalaha Sucuudiga.

    Dhaqaalaha dalkaasi ayaa hadda ku tiirsan saliidda uu dibadda u dhoofiyo, taa oo sicirkeedu uu hadda hoos uga dhacay kala bar halkii uu joogay muddo saddex sano ah oo la soo dhaafay.

    In arrintaasi xal loo helo ayaa qaadan doonto muddo sanado ah, sidaa awgeedna Sucuudigu wuxuu u baahan yahay in uu u diyaar garoobo xaalad adag oo soo wajahda dhaqaalihiisa.

    Dalka Sacuudiga ayaa bilihii la soo dhaafay waday isbadallo badan oo la doonayo in lagu casriyeeyo dalkaasi.

    Bishii la soo dhaafay ayaa boqorka dalkaasi waxa uu soo saaray wareegto uu dumarka ugu ogolaanayo in ay baabuurta kaxeeyaan, arrintaa oo ay soo dhaweeyeen hawlwadeennada u ololeeya xaquuqda dumarka.

    Amir Mohamed Mohamed Bin Salman Sacuudiga Saudi
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDuqa Muqdisho oo ku dhawaaqay in la furayo Wadooyinka Xiran [Amar lagu soo rogayo Gaadiidka Xamuulka]
    Next Article Madaxweynaha Uganda 5000 Askari u soo diraya Soomaaliya [Akhriso shuruud uu ku xiray]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo