XOG: Dagaalka ugu danbeeya ee Villa Somaliya iyo Doorashada laga abaabulayo Garbahaarey
Waxaa magaalooyinka Muqdisho iyo Garbahaarey ka socda Qorshe laga abaabulay madaxtooyada Soomaaliya oo lagu doonayo in Doorasho lagu qabto magaaladaasi.
Qorshahan waxaa kooxda Farmaajo kula shirkoobay xubno ka tirsan Guddiga Doorashada FEIT oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii hore ee Guddiga Maxamed Xasan Cirro, xoghayihii xilakja laga qaaday Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan iyo xubno yar, waxaana lagu wadaa inay Berri tagaan magaalada Garbahaarey.
Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee hoos taga Villa Somalia Axmed Buule Gareed oo shalay laga diray Muqdisho, laguna soo dhoweeyay Garbahaarey ayaa shaaciyey qorshaha Doorashada ay wadato Madaxtooyada Soomaaliya ee lagu qabanayo magaalada Garbahaarey.
Wuxuu sheegay inay Garbahaarey imaanayaan Guddga FEIT iyo mas’uuliyiinta dowladda, isla markaana ay doorashadu ka dhici doonto Garbahaarey. Musharixiinta ay wadato Villa Somaliya ayaa sidoo kale kusii jeeda Garbahaarey.
Xubnaha ka tirsan FEIT ee laga mamulo Villa Soomaaliya ayaa hore ugu fashilmay inay ka hortagaan xafladii dhaarinta Xildhibaannada labada Aqal iyo inay difaacaan kursiga uu kusoo baxay Agaasimihii hore e NISA Fahad Yaasiin, waxaana hadda loo adeegsanayaa Doorasho fowdo ah oo lagu qabanayo Garbahaarey.
Villa Somalia ayaa dagaalkii ay kula jirtay Doorashada waxaa ugu danbeeya arrinta kuraasta 16-ka ah ee taalla Gobolka Gedo, waxaan barbar socda kiiska Dooda ka taagan Kursiga uu kusoo baxay Fahad Yaasiin, iyadoo ay soo baxayaan inay xildhibaanno taageersan Farmaajo olole ugu jiraan dib u dhigista doorshada guddoonka labada Aqal.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo ay maanta magaalada Kismaayo gareen wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha FEIT Muuse Geelle oo diyaarinaya doorashada 16-ka Kursi ee ka dhaceysa dagmada Ceelwaaq sida ay go’aamiyeen Guddiga FEIT, ayna taageereen Xukuumadda Xilgaarsiinta iyo Jubbaland.
