Qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ku ah haweeney ka tirsaneyd Hay’adda NISA oo ku maqan lix bilood ku dhow ayaa soo saaray qoraal ay ku caddeynayaan xaalada kiiska, kuna eedeeyeen Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraalka ayaa lagu sheegay inaysan aqbalin warkii kasoo yeeray Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada C/llaahi Buulle Kamey oo bishii hore dembi la’aan ka dhigay eedeysanayaashii Madaxda Hay’adda NISA ee kiiska.
Sidoo kale waxay Ra’iisal wasaare Rooble ku eedeeyay inuu kiiska gabadhooda maqan ee Ikraan ui gacan geliyay eedeynayaashii lagu tuhunsanaa,markii uu tegay xarunta NISA Oktoobar 2021.
“Waxaa nasiib darro ah in Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo horey u ballan-qaaday in kiiskan si dhab ah loo baari doono, qoyskana ay heli doonaan caddaalad, inuu tuhmanayaashii NISA ee loo heystay kiiskan uu gacanta u geliyay isla kiiskii ay eedeysanayaasha ka ahaayeen sida ku cad bayaanka Ra’isul Wasaaraha uu bixiyay 26 October 2021 mar uu booqday taliska NISA. Taasoo ay daba socotay warqad 03/11/2021 uu qoray eedeysane Yaasiin Farey oo uu u diray Xeer ilaaliye Buule Kamey kuna sheegtay inuu wareejiyay gal baariseed uu isaga isku soo baaray” ayaa lagu yiri qoraalka Qoyska Ikraan.
JAWAAB CELINTA QOYSKA:
1- Haddaba qoyska Ikraan Tahiil ma aqbalin warbixinta uu shaaciyay Xeer-ilaaliya Buule
Kamey. Mana ahan mid sharciga waafaqasan.
2- Xeer ilaaliye denbi cid kama baabi’in karo, mana laha awood u uku xiro kiis ka furan
maxkamadaha sharciga.
3- Maxkamadda CQS waxay noo caddeysay in dacwadda Ikraan Tahiil aan weli la qaadin,
isla markaana kiiska uu weli ka furan yahay Maxkamadda CQS.
4- Waxaan xog ku heynaa in Xeer-ilaaliye Buule Kamey uu hadlay kaddib markii
baabuurka eedeysane Yaasiin Farey lagu geeyay xarunta NISA, kaddibna muuqaalka looga dhex duubay xarunta NISA isla maalinkaas 21 Nofembar. Muuqaalkaasi oo laga siidaayey warbaahinta dowladda afkeeda u hadasha. Sida la wada og yahayna, wuxuu ujeedku ahaa in loo gogol-xaaro kursiga xildhibaannimo ee uu eedeysane Yaasiin Farey uu maalin kaddibna ugu safray Dhuusamareeb.
5- Tiirarka dowladnimada waxaa ugu muhimsan caddaladda. Haddii caddaalad ay waayaan dadweynaha, waxay ku qasbanaan doonaan inay gacmahooda ku raadsadaan caddaalad ay ku qanacsan yihiin.
6- XAQ DADKIILAHAA DABA JOOGAAN MARNABA MA LUMO. Qoyska Ikraan Tahiil waxaa ka go’an caddaalad u helidda kiiskan waxkasta, iyo waqti kasta oo ay qaadato.


