Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun dil ah ku riday saddex ka mida dadkii lagu soo eedeeyay dilkii iyo gubistii Marxuum Axmed Dowlo, iyadoo dembi lagu waayey afar qof oo kale.
Eheladda Axmed Dowlo ayaa sheegay inay cadaalad darro ka dhacday maxkamadda, waxayna ku doodeen in dadka dilka geystay qaarkood la sii daayey, isla markaana xukunka dilka ah lagu riday saddex qof kaliya, maxkamaddana ay fasaxday dadkii baangadaha watay ee dilka Axmed Dowlo qeybta ka ahaa la sii daayey.
Eheladda Axmed Dowlo ayaa sheegay in dilka Axmed Dowlo ya soo abaabushay Hooyada lagu magacaabo Shariifo, iyadiina Hal sano lagu xukumay, kadibna rafcaan ka qaadatay, waxayna sheegeen in xukunka maanta ay u arkaan mid aan sax ahayn oo riwaayad ah.
Ehelada marxuum Dowlo ayaa sheegay in maanta laga soo celiyey albaabka maxkamadda, markii uu awood sheegtay askari albaabka taagnaa, waxaana dadka loo diiday inay xaadiraan maxkamadda ka mida C/raxmaan Mukhtaar Saalax oo la dhashay marxuumnka.