Telefishanka SNTV ayaa warbixin ka diyaariyey qaraxii is-miidaaminta ahaa ee 25-kii bishan Maarso ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayid-ka oo Alshabaab ay sheegatay, waxaase lagu laayey qoys Soomaaliyeed o barakacayaal ahaa.
Qaraxa waxaa ku dhintay Hooyo Toxobeey Maxamuud Dhicisow oo qoyska ku tiirsanaa, wiil ay dhashay oo lagu magacaabo Siid-cali Xasan Gaab iyo wiil kale oo gabadhooda dhashay, waxaana dhaawac culus ah oo xaalad degdeg ah ku jira aabaha reerka Xasan Gaab Jareere iyo gabadhiisa Maa’ida Xasan Gaab oo xaalkeedu sii liito.
Dadka qaraxa ku dhaawacmay ayaa kala ah:
1- Xasan Gaab Jareere
2- Maa’ida Xasan Gaab
3- Xaawo Maxamuud Warsame
4- Fartuun Cabdulle Xasan
5- Abshir Aadan Dhoore
6- Aadan Maxamuud Xuseen
7- Ibraahim Cali Axmed
8- Liibaan Cismaan Maxamed
9-Daahir Cumar Shiite
Waxaa la yaab lahayd in Alshabaab ay sheegeen inay qaraxa ku dileen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, kadib War ay kaso saareen qaraxaasi, waxayna dhacdadan ahayd mid aad u xanuun badan oo aan hore loo arag.
Qoyska dhibaatada soo gaartay ayaa umadda Soomaaliyeed ka dalbaday inay caawiyaan qoyska dhibaatada badan ku habsatay.
HOOS KA DAAWO