Qunsulka Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya magaalad Istanbuul ee dalka Turkiga oo ah halka la sheegay in lagu dilay qoraaga Sacuudiga ee caanka ahaa Jamal Kashoqgi ayaa la sheegay inay soo wajahday xaalad argagax ah oo yaab leh.
Qunsulkan Mohamed Alcuteybi oo dunida ay daawatay isagoo wakaalada wararka Reuters u furay Qunsuliyadda si uu u beeniyo in halkaasi uu joogo Qoraaga ay la waayey 2-dii bishan Oktoobar ayaa la sheegay in markaas uu galay xaalad aan caadi ahayn isagoo aan ka soo bixin gurigiisa oo u dhow Qunsuliyadda.
Qunsulka ayaa muddo 4 maalmood ah ka bixin gurigiisa, isagoo joojiyey dhammaan ballamadii uu Qunsuliyadda ku lahaa, isla markaana xaaladiisu tahay mid sii xumaatay oo argagax iyo shoog xoog lihi soo wajahay, isagoo diiday inuu cidna la hadlo.
Xogta uu faafiyey Wargeyska Turkiga ah eeĀ Yenisafak aya sheegeysa in Jamal Kashoqgi ay wadahadleen Qunsulka, kadibna laga xubnood ay xoog uga kaxeeyeen qolka Qunsulka, isaguna isku dayey inuu iska celiyo, balse ay ku dureen cirbad keentay inuu miyir beelo, kadibna la geeyay qol ku dhegan qolka Qunsulka, halkaasoo lagu dilay jirkiisana lagu jarjaray.