Rabashado ayaa ka bilowday dalka Kenya meelo ka mida kadib markii maxkamadda sare ee dalkaasi oo maanta lagu waday inay dib u dhigo doorashada kuceliska ah ee madaxtinimada Kenya uu qabsoomi waayay fadhigeeda.
Arrintaas ayaa micnaheedu yahay in doorashada ku celiska ah ee madaxweynaha dalkaasi ay berri oo Khamiis ah ka dhici doonto dalka Kenya, iyadoo ay qaadaceen madaxda mucaaradka kuna baaqeen inaan wax codeyn ah loo soo bixin.
Warbaahinta Kenya ayaa soo weriyay saacadihii ugu danbeeyay inay rabshado ka dileen ismaamulka Migori County. Waxaana la sheegay in dhammaan jidadka gala degaankaasi ay xirmeen markii taageerayaasha mucaaradka ay xireen.
Agabka doorashada ayaa gaari waayay goobaha laga codeynayo, waxaana taageerayaasha isbaheysiga mucaaradka ay gooyeen wadooyinka, iyadoo goobaha cod bixinta isku xeeray. Buundada weyn ee isku xirta magaalada Migori oo xiriirisa dalalka Kenya iyo Tanzania, ayaa waxaa gebi ahaan xiray dhalinyaro Shaagag gubanaya adeegsanaya.
Taageerayaasha mucaaradka Kenya ee magaalada Nairobi ayaa qorsheynaya inay galabta isugu soo baxaan fagaaraha weyn ee Uhuru Bark, iyadoo laga cabsi qabo isku dhac ku yimaada booliska iyo taageerayaasha. Waxaa la filayaa in guddoomiyaha isbaheysiga Muraacadka uu halkaasi ka jeediyo khudbad ku saabsan doorashada ku celiska ah ee uu hore u qaadacay oo berri ka dhaceysa Nairobi.