Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in rabshado ay caawa ka dhacayaan magaalooyinka Nairobi iyo Kisumu.
Rabshadaha ayaa ka danbeeyay kadib markii lagu dhawaaqay inuu Uhuru Kenyatta mar labaad ku guuleystay doorashada madaxweynaha Kenya.
Taageerayaasha musharaxa mucaaradka Raila Odinga ayaa ka dhigaya banaanbaxyo rabshado wata, xaafadda isku-raranta ah ee Mathare ee magaalada Nairobi, waxaana la soo weriyay inay isku dhaceen ciidamada ammaanka.
Rasaas ayaa laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Nairobi oo ay ku badan yihiin taageerayaasha Raila Odinga.