Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Subscribe
    • Front
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Tooshka GJ»RADIO SHABELLE: Ma sidii shalay ayuu ku noqon doona mise waa la shar jebiyay…?
    Tooshka GJ

    RADIO SHABELLE: Ma sidii shalay ayuu ku noqon doona mise waa la shar jebiyay…?

    WebmasterBy WebmasterMarch 3, 2015Updated:March 3, 2015No Comments3 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa lagu wadaa inuu goor dhow  oo aan sidaasi u fogeyn hawada dib ugu soo laabto Radiyo Shabelle oo ahaa mid ka mida Raadiyeyaasha magaalada Muqdisho ka furan ee gaarka loo leeyahay iyo Raadiye lagu bartay inuu af-dheer yahay oo inta badan ka baxa xuduudaha saxaafadda, waxaana ka howlgeli jiray weriyeyaal kala duwan oo qaar badan oo kamida dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen weeraro lala beegsaday.

    Marka bulshada dhexdeeda aad timaado waxaa Radio Shabelle loo arkaa siyaabo kala duwan hal-adeyga iyo qalafsanaanta wararkiisa iyo faallooyinkiisa ka sokow wuxuu caan ku yahay inuu marba qof siyaasi ah ama dadka ka dhex muuqda tooshka ku qabto oo iska daba dhigto si aan waxba loola harin. Dadka qaarkii waa la dhacsan yihiin qaarna waxayba gaareen heer aanay dhageysan.

    shabele

    [ad name=”HTML-2″]

    Aragtida kala duwan ee Shabelle laga qabo waxaa u wehliya inuu xaalado halis ah soo maray oo dhibaatooyin aan yareyn loo geystay. Laga yaabee inuu qaar isagu wax ku lahaa, laakiin waxaa xusid mudan in Raadiyahani weriyeyaal badan oo masaakiin ah naftooda u hureen damac uu leeyahay shaqsi kaliya oo isagu ku haga sida uu doono.

    Waxyaabaha la yaabka leh waxaa kamida ee dhaqanka u ahayd Raadiyaha Shabelle inuu qof mas’uul ah sumcad dilis shaqsi ah ku sameeyo oo haddana waqti dheer isaga wado iyadoo laga yaabo in shanta qodob ee warka afar ka mida uu ku soo qaato shaqsigaas; Waxaa tusaale kuugu filan:

    1. Axmed Nuur Tarsan (Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho 00 laba sano ka badan Shabelle  dacaayada ka fidineysay)

    2. C/kariin Xuseen Guuleed (Wasiirkii hore ee Amniga oo ilaa mudadii ugu dambeysay iyo markii xoog looga soo raray xaruntoodii hore ay iska daba dhigatay Idaacadda)

    [ad name=”HTML-3″]

    Dhinaca kale Shabelle Radio waxay kaloo amaan iyo bogaadin ka badbadis ah oo mararka qaarkood been abuur ah ka sameeyaan shaqsiyaad iyaguna mas’uuliyiin ah, waxaa ugu danbeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Xasan Muungaab, taasoo su’aalo badan la iska weydiiyay….???. Iyadoo ay iska caddahay inay xaajadu tahay: LACAG KU SHUBO AMA SHARAFTAADA..

    Saxafi weyn oo khabiir ah ayaa laga hayaa “SHABELLE inay abidkeed xirnaanto ayaan  ku talin lahaa iyo in milkiilaheeda  isna madaxaa haku furto lagu xukumo” khabiirkaasi waxa heerkaas gaarsiiyay laga yaabee inay tahay mihnada saxaafadeed ee uu yaqaan inuu  difaacayo, laakiin waxaa cad in Radio Shabelle ku socday jid qarda jeex ah oo saxaafad rajo minhadeed leh aanay u bareeri karin; waxaana eeda inteeda badan iska leh milkiilaha idaacadaasi oo loo tirinayo inuu ka dhigtay aalad uu dagaalamo, markii ay ku yaraatayna idaacad kale ku ag rakibay SKY.

    Saaxiibadeen ka howlgala Shabelle iyo SKY ee saxafiyiinta ah waxaa waano ugu filan in milkiilaha Idaacadda uu ka bixin waayay ganaaxii maxkamadda Gobolka ku xukuntay oo iyaga iyo ehelkooda ay iska bixiyeen… mana muuqato sabab ay ugu adeegaan loona adeegsado ujeedooyinka ay noloshooda mar kale halis ku gelin karaan.

    Waxaan sugnaaba waa in Radiyo Shabelle shar jabay oo warbaahinta dhinac ka raaci doono iyo inuu dib ugu laaban doono sidii shalay.

    Faallo

    Goobjooge.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    [ad name=”HTML-6″]

    [ad name=”HTML-5″]

    Radio Shabelle
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Webmaster
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Goobjooge.com: An Online News portal, tracks all news round the clock which will cover Politics, entertainment, sports and world news.Waxaad nagala soo xiriir kartaa: info@goobjooge.com

    Related Posts

    Qorshihii Muddo Kororsigii Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo bilowday iyo Guddi loo magacaabay

    March 3, 2023

    XOG: Midowga Musharixiinta oo Qarka u saaran inay xiriirka u jaraan Rooble iyo Labada tijaabo ee..

    December 1, 2021

    Maxaa ka jira in Prof. Jawaari uu RW Saacid ka hor istaagay inuu ka hadlo Baarlamaankii 2013? (Xaqiijin)

    November 28, 2021

    Comments are closed.

    © 2025 Wadani.com .
    • Home-1
    • About Goobjooge
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo