Ciidamada Nabadsugidda dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Gaari ay saaran yihiin hub iyo walyaabaha qarxa, kaasoo ay ciidamadu sheegeen in lagu qarxiyo amaanka magaalada Muqdisho.
Afhayeenka maamulka gobolka Banadaair C/fataax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maalmahan lagu raad joogay kooxdan, laguna guuleystay in gacanta lagu soo dhigo.
Howlgal lagu soo qabtay dableyda iyo hubkooda ayaa ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha, waxaana gacanta lagu soo dhigay 4 qof oo uu ku jiro horjoogihii hubka iyo qaraxyada gaariga ku soo raray.
DAAWO SAWIRRADA
Wadani.com