Afar nin oo lagu helay inay Alhabaab ahaayeen, kana dambeeyeeny Qaraxyo ka dhacay Maqaayado ku yaalla Baydhabo ayaa lagu toogtay saaka magaalad Baydhaba.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukunkan dilka ah ku fulisay afartan ruux oo hore loogu soo eedeeyay abaabuleen qaraxyo dad badan ku dhinteen oo bishii February ee 2016 ka dhacay magaalada Baydhabo.
Toogashada ayaa ka dhacday duleedka magaalada Baydhabo, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida Jen. Liibaan Cali Yarow iyo Saraakiil kale.
Ragga la toogtay waxay kala yihiin Cabdi ladiif Macalin, Xasan Aden Mursal, Sharmaad Aawow iyo Ziyaad Xasan Faarax.
Wadani.com