Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Rag loo heysto Qaraxyo & Weerarro ka dhacay Muqdisho oo Maxkamad lasoo taagay [Sawirro]

    Rag loo heysto Qaraxyo & Weerarro ka dhacay Muqdisho oo Maxkamad lasoo taagay [Sawirro]

    March 7, 2019Updated:March 7, 20192 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta la horkeenay Rag loo heysto qaraxyadii  dad ka badan ay ku dhinteen ee 22-12-2018 ka dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo agagaarka Taalada Daljirka iyo weeraro dhowr ah oo ka dhacay Magalada Muqdisho.

    Ragga qaraxyadaasi loo heysto ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Boorow Aadam,waxaana Maxkamada Ciidamada ay ku eedeysay inay mas’uul ka ahaayeen qaraxyadii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon.

    Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in raggaas ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab,isla markaana ay u qaabil  sanaayeen weerarada loo adeegsado Gawaarida dadka lagu horjaro kadibna la rasaaseeyo iyo sahminta Goobaha ay Shabaab doonayaan inay  weeraraan.

    Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Canshuur Cusmaan Abuukar loo heysto weerar lagu qaaday 15-8-2017 Gaari ay saarnaayeen qoyska Reer Xasan Cabdi Cawad oo ka mid ahaa Madaxda Shirkadda Dahabshiil ,weerarkaas oo ka dhacay agagaarka Digfeer ayaa waxaa ku geeriyooday Maxruum Maxamed Xasan Cabdi Cawad,isla markaana ay ku dhaawacmeen 5 ruux oo qoyskaas ka mid ah.

    Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey weerar 27-9-2017 lagu qaaday Gaari ay la socotay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka Canab  Cabdullaahi Xaashi kaas oo ka dhacay degmada Xamarweyne, waxana weerarkaas ku geeriyooday  Marxuumad  Canab  Cabdullaahi Xaashi  iyo Wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka oo lagu Magacaabi jiray Axmed Jaamac Xersi.

    Sidoo kale Raggaas iyo rag kale oo la socday ayaa Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida waxa ay ku eedeysay inay qeyb ka ahaayeen weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee Sanadkii 2018 lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magalada muqdisho kaas oo dad badan ay ku dhinteen.

    Maxamed Cali Boorow Aadam  ayaa isagana loo heystaa qaraxii ka dhacay  2-9-2018 Xarunta degmada Holw-Wadaag ee Gobolkan Banaadir, kaas oo ay ku dhinteen 8 ruux 27 kalena ay ku dhaawacmeen

    Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa fadhiga Maxkamada ka sheegay in Maxkamadeynta raggaas dib la isugu soo laaban doono,waxaana xeer ilaalinta uu ka dalbaday inay soo dhameystiraan cadeymaha ay ku hayaan.

    Maxkamadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleQasaaraha Qarixii Muqdisho oo la shaaciyey & Xog laga helay Gaariga Qarxay [Sawirro]
    Next Article Madaxweyne Trump oo Amray inaan la shaacin Qasaaraha duqeynta laga fuliyo Dalal ay Somalia ka mid tahay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo