Waxaa Gobolka Gedo lagu qabtay rag la sheegay inay wateen qaraxyo, iyadoo saxaafadda loo soo bandhigay.
Maamulka Degmada Luuq ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen laba nin oo qaraxyo watay. Labada nin ee la soo qabtay ayaa magacyadooda lagu sheegay Cali Cabdi Mursal iyo Maxamed Cabdi Saalax.
Raggan ayaa qirtay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, hubka lagu soo qabtayna ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan ciidamada ammaanka Degmada Luuq, kadib su’aalo kooban oo la weydiiyay.
Waxyaabaha lagu soo qabtay waxaa ka mida Bambooyin, Taleefoonada yar yar iyo fiilooyin badan oo ay doonayeen inay qaraxyada ku xir xiraan. Gudoomiyaha Degmada Luuq Maxamed Cismaan Xuseen Ganey ayaa Saxaafadda u sheegay in raggan waqti badan ay daba taagnaayeen ugu dambeyna ay u suuragashay inay gacanta ku soo dhigaan.