Rra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya ayaa maanta loo dhaariyay xilka, isagoo si rasmi ah talada ugala wareegay Ra’iisal wasaarihii hore Haile marian Deselgn.
Isagoo khudbad ka horjeediyay xildhibaannada ayuuna qiray in “Dimuqraadiyadda curdanka ah” ee dalku ay horseeday in ay muwaadiniin dhintaan sannadihii u dambeeyay. Kumannaan dad ah ayaa la xiray, tiro aan la ogaynna way dhinteen intii ay mudaaharaadyadu ka socdeen Itoobiya tan iyo markii ay billawdeen sannadkii 2015kii.
Dr Abiy Axmed ayaa sidoo kale raaligaliyay dhammaan dadka xuquuqda aadanaha u dooda, siyaasiyiinta iyo dibadbaxyaasha ay qiimaha sare ugu kacday isbadalkii ay dalbanayeen.
Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay in dawladdiisu ay diyaar u tahay in ay Eritrea kala shaqayso sidii loo xalin lahaa muranka u dhaxeeya labada dal iyada oo lawada xaajoonayo.
Isaga oo diiradda saaraya midnimada, qanaacada, caddaaladda iyo iscafintana, Ra’iisulwasaare Abiy wuxuu siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo qurbajoogta Itoobiyaanka ah ugu baaqay in laga wada shaqeeyo isafgarad qaran.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay in wax laga barto khaladaadkii horay loogalay, lagana shaqeeqo midnimada dalka. Dr Abiy ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in awood wareejinta maanta ay keenayso fursad taariikhi ah oo baal cusub u furaysa taariikhda siyaasadeed ee Itoobiya.
Dad badan ayuu ahmiyad gaar ah u leeyahay isbadalkani, sababtuna waxay tahay in Abiy uu ka soo jeedo qawmiyadda Oromada, gobolkaas oo ay mudaaharaadyo waawayn iyo degenaansho la’aan ka jirtay wakhtiyadii dambe.