Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa la balansan kulan weyn oo dhex maaya mas’uuliyiin iyo Odayaal ka soo jeeda Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Wararka laga helayo Magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in kulanka ay ka qeyb galayaan dad ku dhow 700 qof oo ay horkacayaan madaxda Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya, odayaasha degaanka iyo xubnaha Ururka Dulmi-Diid oo la baxay oo ah qurbe joogta kasoo jeeda degaankaasi.
Kulanka ayaa waxaa dalbaday Abiy Ahmed, waxaana kulanka ka dhex muuqan doona Madaxweynaha cusub ee DDSI Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar), iyadoo arrimaha ugu waaweyn ee looga hadlayo ay yihiin xal u helidda dhibatooyinkii ka dhacay degaanka Soomaalida iyo colaadda dhex taalla Soomaalida iyo Oromada.
Madaxwaynaha cusub ee sida ku meel gaar ah xilka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya loogu magacaabay Mustafa Maxamed Cumar ayaa si rasmi ah uu shaaciyay Shalay oo Khamiis eheyd in la bedalay magaca iyo astaantii calanka DDSI, taasoo walaac ku abuurtay dowladda Federaalka Itoobiya.