Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in Dowladdiisu ay ka fiirsan doonto shaqsiyaadka ka tirsan Jabhadda ONLF ee ku sugan dibadda dalka Itoobiya.
Wuxuu sheegay Itoobiya aysan u dul-qaadan doonin carqaladeynta amnigeeda, isagoo cadeeyay inay la dagaallami doonaan koox waliba oo isku dayda inay carqaladeyso amniga dalkiisa.
“Ma aqbali doono in dhexda loo xirto car-qaladeynta Ammaanka dalkeenna, mana jirto cid aan uga aamusayno, waxaana naga go’an inaan gacan bira ku dhigno kuwa ku howlan taakuleynta Argagixisada iyo kuwa cadowga ku ah dalkeenna,” ayuu laga soo xigtay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

Hailemariam Desalegn ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Itoobiya ay baari doonto kiisaska la xiriira Qalbi-dhagax iyo saraakiisha kale ONLF ee ku jira gacanta dowladda. Hailemariam Desalegn ayaa carabka ku dhuftay in Xukuumadiisu ay qadarin siin doonto kuwa ka tirsan kooxaha argagixisada ee isku soo dhiiba dowlada, ka hor inta aan lasoo qaban.