Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Maxamed oo dhowaan isku shaandheyn uu ka hor yimid Madaxweynaha ku sameeyay Golaha wasiirada ayaa amar kale soo saaray si isku shaandheytaasi loo dhaqan geliyo.
Wareegto kale oo ku taariikheysan 27 Oktobar oo ay isha soo marisay Goobjooge.com ayaa Ra’iisal wasaaruhu amar ku bixiyay in inay xilalkooda wareejiyaan xubnihii la kala bedelay , wuxuuna dhaqan gelinta arrintaasi u xilsaaray inuu goobgooj ka ahaado kuxigeenkiisa Ridwaan.
Amarka ra’iisal wasaaraha ayaan la ogeyn sida uu ku dhaqan galayo iyadoo wasiirka ugu weyn ee si cad uga hor yimid uu yahay wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir oo shirkii ugu danbeeyay ee Golaha wasiirada sheegtay inuu yahay Wasiirka Garsoorka ee laga wareejiyay.
Goobjooge Info
Muqdisho Somalia
[ad name=”HTML”]