Tuesday, May 13, 2025

Kooxda Madaxweynaha u xilsaaray mooshinka Ra’iisal wasaaraha oo howshoodii bilaabay

Waxaa si fiican u soo shaac baxaya mooshin bilow ah oo laga diyaarinayo si xilka looga rido Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed, kadib markii ay isku dhaceen madaxweyne Xasan Sheekh oo la sheegay inay ka go’an tahay inuu xilka ka tuuro Ra’iisal wasaaraha labaad ee hadda xilka haya.

C/kariin Guuleed & C/llaahi Sanbaloolshe
C/kariin Guuleed & C/llaahi Sanbaloolshe

Shaqsiyaad arrintan ugu xilsaaran ee madaxweynuhu u xushay inay hogaamiyaan ololaha ka dhanka ah ra’iisal wasaaraha waxay kala yihiin:

  1. C/kariin Xuseen Guuleed
  2. C/llaahi Sanbaloolshe
  3. Xildhibaan C/qaadir Cosbole
  4. C/raxmaan Dheere
  5. Fahad Yaasiin

Kooxdan madaxweynaha ku xiran ayaa durba ololahooda ka bilaabay guryaha C/kariin Guuleed iyo Sanbaloolshe ee magaalada Muqdisho iyagoo xiriiro toos ah la leh xildhibaanada Baarlamaanka oo si is dabajoog ah ay kulamo iyo fadhiyo kula yeelanayaan labada guri ee ololugu ka socdo.

Ad

Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa muddooyinkii danbe la saftay madaxweynaha isagoo lagu xusuusto inuu hormuud u ahaa xildhibaanno si weyn uga hor yimid madaxweynaha oo ka dalbaday inuu xilka ka dego. Isbedelka ku yimid xildhibaanka ayaa xogta Goobjooge.com heshay ay sheegeysaa inuu ka danbeeyay heshiis shaqsi ah oo dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh kaasoo ku saabsan in la siin doono jago wasaaradeed xukuumadda soo socoto iyo arrimo kale oo waqti ku haboon aanu shaacin doono.

Goobjooge Info

Muqdisho Somalia

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON