Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhoweyd gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, halkaasoo la filayo inuu ka furo wejiga labaad ee shirka maamul u sameynta gobollada dhexe.
Ra’iisal wasaaraha ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Cadaado oo ay uga hor yimaadeen wasiirro ka tirsan xukumadiisa, maamulka degaanka, odayaasha iyo musharaxiinta u taagan xilka hogaamiyaha ee Gobollada Dhexe, waxaana Cadaado ay hadda la ciirciireysaa martidii ugu badneyd abid ee halkaasi tagta, ergooyin, siyaasiyiin, wasiiro, mas’uuliyiin dowladeed iyo odayaal ayaa buux dhaafiyay hoteelada iyo guryaha degmada si ay shirkaasi uga qeyb galaan.
Wafdiga Ra’iisal wasaaraha ayaa markiiba loo gudbiyay hoolka shirka ka socda halkaas oo uu khudbad ka jeedinayo ku saabsan furitaanka shirka oo qeybtiisa labaad ay weli ka maqan yihiin ergooyin badan oo beelahoodu shirka ka gadoodsan yihiin. Guddiga farsamada shirka ayaa sheegay in 220 ergo ay diyaar yihiin oo la xareeyay, laakiin waxaa weli maqan in ka badan 130 ergo, waxayna guddigu ku adkeysanayaan in shirka magac ahaan oo furo kadibna la xaliyo beelaha harsan ee ka gadoodsan qaabka wax loo qeybiyay.
Wararka laga heleyo Cadaado ayaa sheegaya in xaaalada ammaanka si weyn loo adkeeyay,waddooyinkana la dhigay ciidamo fara badan oo isugu jira kuwa degaanka, ciidamad dowladda ee Xamar laga qaaday iyo askarta Itoobiyaanka ee AMISOM ka tirsan.
Maanta gelinka danbe ayaa lagu wadaa inuu furmo wejiga labaad ee shirka maamulka Gobollada dhexe, inkastoo qaar ka mida beelaha Goboladda dhex ay shirka ka biyo diidsan yihiin, iyadoo ay ilaa xalay socotay dadaalka loogu jiro in ergada beelaha shirka ka maqan lagu soo biiriyo.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]