Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa ku gacan seyray waanwaan ay usoo jeediyeen wakiilka IGAD u qaabisan Soomaaliya Maxamed Abdi Afey iyo Gen. Gabre oo xafiiskiisa uu ku qaabilay, wuxuuna ku adkeystay inuusan waanwaan ka galeynin ololaha uu wado madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo si cad ugu sheegay inay ku qanciyaan madaxweynaha inuu faraha kala baxo howsha golaha wasiirada.
[ot-caption title=”RA’IISAL WASAARAHA IYO WAKIILKA IGAD” url=”http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2014/11/Afwy-weli.jpg”]
Labada xubnood ee IGAD oo imaanshahooda Muqdisho aan laga war heyn ayaa si toos ah u dhex galay iyadoo wararku sheegayaan inuu arrintaas ka dalbaday wasiirkii hore ee garsoorka Faarax Sheekh C/qaadir, kaasoo heshiis gaara kala dhaxeeyo labada nin ee IGAD u metela Soomaaliya oo si weyn ugu milmay siyaasadda Soomaaliya.
Ra’iisal wasaare C/weli ayaa xogta ay heshay Wadani.com sheegeysaa inuu diiday gorgortan uu ka galo khilaafka kala dhaxeeya madaxweynaha, wuxuuna si cad u diiday inuu ka noqdo isku shaandheyntii uu dhowaan ku sameeyay qaar ka mida golaha wasiirada, taasoo ahayd wixii ay ka dalbadeen Maxamed Cabdi Afey iyo Gen. Gabre.
Dhinaca madaxweynaha waxaa wadahadalka ugu jira Faarax Sheekh C/qaadir oo safaaradda Itoobiya ee Muqdisho kulamo kula yeeshay Wakiilka IGAD iyo Gen. Gabre, waxayna hore saddexdan u soo dhiraandhiriyeen heshiiskii Jubbooyinka, waxayna hadda shirko ku yihiin maamul u sameynta Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]