Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay xubnaha lagu darayo Guddiyada maamulaya doorashada maamul Goboleeyada dalka.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisal wasaare Rooble ayaa lagu magacaabay 15 xubnood oo maamul Goboleed kasta (3) xubnood lagu darayo Guddiyadiisa Doorashada, waxaana ay ka mid ahayd heshiiskii doorashada ee Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka.
Puntland iyo Jubbaland ayaan weli soo magacaabin Guddiyarada Doorashada heer Dowlad Goboleed, iyadoo ay guddyadii ay hore u magacawday dowladda Federaalka ka hor yimaadeen musharixiinta mucaaradka.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA