Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa hortegaya Baarlamanka si uu isaga difaaco mooshinka laga keenay, isla markaana mowqifkiisa uga hor caddeeyo Baarlamaanka Soomaaliya sida uu shirkii maanta ee Baarlamaanka ka sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Xildhibaanada taageersan madaxweynaha ee wada mooshinka ayaa qeylo isku daray kulanka dhexdiisa kadib markii uu guddoomiyaha Baarlamaanka ku dhawaaqay imaanshaha Ra’iisal wasaaraha ee Baarlamaanka, iyagoo si weyn uga biyo diidan arrintaasi, laakiin guddoomiyaha Baarlamaanka oo arrintaasi guddoonsaday ayaa u muuqda inuu ku adkeystay mowqifkiisa.
Hore ayaa baarlamaanku ugu diideen Ra’iisal wasaarihii hore ee Saacid inay siiyaan fursad uu isku difaaco, taasoo aad loogu dhaliilay xildhibaanada. Ra’iisal wasaare C/weli ayaa helaya fursado ka badan kuwii uu heystay ninkii ugu horeeyay jagadan oo sidoo kale ay isku dhaceen madaxweynaha, sidaasina xilka ku waayay.
Gooobjooge.com
Muqdisho-Somalia
[ad name=”HTML”]