Ra’iisal wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdouk ayaa ka badbaaday qarax lala beegsaday Gaadiid uu la socday magaalada Khartoum, kaasoo loogu talogalay in lagu khaarijiyo.
Warbaahinta dowladda Suudaan ayaa shaacisay in Ra’iisal wasaaraha dalkaasi uu bed-qabo kama badbaaday qaraxa oo haleelay kolonyo uu la socday, isagoo markaasi ka baxay Gurigiisa agaalada Khartoum, kuna sii jeeday xafiiskiisa shaqada.
Duqa magaalada Khartoum ayaa sheegay in Ra’iisal wasaaraha Suudaan lagu qarxiyey Gaari meel fog laga hageyay, ayna gacanta ku dhigeen qof la tuhunsan yahay inuu qaraxaasi hagayey.
Wuxuu intaas ku daray in Ra’iisal wasaare Hamdouk aanay waxba soo gaarin oo uu ka badbaaday qaraxa lala damacsanaa, hadda meel amaan ah la geeyay, iyadoo uu socdo baaritaanka qaraxa. Ma jiro cid sheegatay qaraxan oo ah mid naadir ku ah magaalada Khartoum.
Cabdalla Hamdouk ayaa xilka qabtay kadib kacdoonkii xukunka looga tuuray madaxweynihii hore Cumar Albashiir, laakiin wuxuu hoggaamiyaa xukuumad aan awood badan lahayn, iyadoo Golaha Milateriga dalkaasi ay xukunka heystaan.