Mooshin ku saabsan xaalada amniga ee caasimadda Soomaaliya ayaa horyaalla Golaha Shacabka, kaasoo la filayo in loogu yeero mas’uuliyinta ugu sareysa xukuumadda Soomaaliya.
Guddiyada Amniha iyo Difaaca ayaa shalay kulan gaara ka yeeshay qaabka loo dhigayo mooshinka amniga laga keenay, waxayna ka doodeen sida baarlamaanka u wajahayo xaaladda amniga, iyadoo xilalkii laga qaaday taliyeyaasha ciidamada Booliska & Nabadsugidda.
Labada Guddi oo ay guddoomiyeyaal ka yihiin Fowziyo Maxamed Sheekh iyo Xuseen Carab Ciise ayaa isla gartay in la furo mooshinka Amniga, loona yeero madaxda xukuumadda oo ay ku jiraan Ra’iisal Wasaaraha iyo wasiirka Amniga.
Xildhibaannada qaarkood ayaa hore u dalbaday inuu Ra’iisal wasaare Kheyre hor yimaado Baarlamaanka, halka qaar kale sida saraakiisha amniga oo ay ku jiraa kuwii xilka laga qaaday.