Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wasiir u magacabay xldhibaan ka tirsan baarlmaanka 10-aad ee Fedeaalka.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif loogu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Xilkan ayaa waxaa hore u diiday oo ka cudurdaartay wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo duulista Maxamed C/llaahi Oomaar oo markii laga qaaday wasiiradii hore iska casilay wasaaradda shaqada.
Xukuumadda xilgaarsiinta ayaan caadiyaan cidna la magacaabay, isla markaana xilka laha qaadin, laakiin dowladda uu hoggaamiyo Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo ayaa bedeshay hab-dhaqankii Dastuurka.
