Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in Geeska Afrika ee cusub uu mustaqbalka yeelan doono hal madaxdweyne ee aysan noqon doonin mid leh saddex madaxweyne.
Warkan ayuu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ka sheegay xaflad qalin jebin ah oo ka dhacday magaalada Bhar Dar oo Isbitaalka takhasusiga ee Tibebe Ghion oo ay garab fadhiyeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eriteria oo shir saddex geesood ku yeeshay magaaladaasi.
“Mustaqbalka Geeska Afrika ee cusub ma yeelan doono saddex madaxweyne, ee madaxweyne kaliya ayey yeelan doonaan” ayuu yiri Abiy Ahmed oo aan waqti u cayimin xilliga saddexda dal ee Somalia, Itoobiya iyo Eriteriya uu hal madaxweyne ka talin doono.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa isna sheegay in taariikhda Geeska Afrika uu isbedel weyn ku dhacay, wuxuuna sii raaciyey in inay ku socdaan sidii iskaashi dhaqaale oo horumar leh loo gaari lahaa si loola dagaalamo faqriga.